Tuesday, December 17, 2019

BAL KA SHEEKEE

 

Xasuustii Call Maxamed Yusuf iyo  maalmihii ka horeeyey soon galkii Hargeysa

Qormada 1aad:


Waxa ku buuxay 15ka May 1988 mudadii bisha ahayd ee xadka 15km in labada dhinac ee Somaliya iyo Itoobiya ay ciidamada ku sugan dib u kala raraan. Itoobiya may jirin ciidamo xadka 15km u jiraa. Dhinaca Somalia ciidamadu xadka way ku teedsanaayeen. Waxa iyaguna xadka dul degaanaa ciidamada aaga galbeed ee SNM. Ciidanka ugu fog ee SNM wuxu ku sugnaa Caraancaray oo bariga ugu xigtey. Waxa ugu dhawaa dhamaan ciidamada SNM xadka wakhtigaasi urur ka tirsanaa Sayid Cumar oo Wadabariis degaanaa. Wadabariis waxa mara xadka. Dhinca bari waxa ka xiga Bali-Cabane.


Xadku marka aad bari ka timaado eed soo gaadho Bali-Gubadle ayuu mar qudha waqooyi (xaga Hargeysa) isu dadbaa. Markaa Sayid Cumar xaga Hargeysa isaga ayaa ku beegnaa Ururka 7aad (Birjeex) ee Faqashta oo fadhiisinkiisu ahaa Bali Cabane iyo inta kale ee xadka ku teedsanayd oo dhan. Maalin Sayid Cumar ay si kedis ah isugu dhaceen col faqash ah oo weliba nimankii khubarada sheegan jiray ee Dhafoor Qiiqa la odhan jiray, waxanu interception ku dhegaysanay iyaga oo wada hadlaya: Taliyahii Ciidanka Bali Cabane ayaa leh “waar waa maqlaa, lakiin waa xagaaga.Aniga aagayga way ka baxsan tahay” Taliyihii ciidanka Cadaroosh oo galbeed ka jiray ayaa la isku xanaaqay.
Markii dambe ayuu si cadho leh u yidhi: "nacalaa waalidkaa ku yaal, waar adiga goorma lagaa yimi waad ka dambaysaaye sawkuwan dhuunta Hargeysa ka soo galay", waanu soo xidhiidhsaday maxaa se ka raacay, Lagama sheekayn Karo. Ciidanka Cadaroosh hore rag isumay arag, waayo toban kilomitir ayuu xadka ka hooseeyaa. Taas ayaa u suurtogelisay inuu ka badbaado weeraradii tooska ahaa ee inta badan ku dhici jiray kuwa xadka fadhiyey sida Ururka 7aad ee Birjeex, Bali Cabane. Nin ka mid ahaa dadkii dhinaca wardoonka iyo sahanka ee SNM ayaan subaxii dambe weydiiyay bal ka waran dagaalkii shalay maxay qoladii Baligu lahaayeen. Nimankaasi shalay oo dhan way iidsanaayeen, dagaalkana may soo gelin oo halkooda uga may soo dhaqaaqine waxay qaadayeen.

(ADIGUBA DHARAARAAD KA QOSLAYSAY DHOOSHEE. ANBA DHAMAY QADHAADHKEE WAA INAAD DHADHAMISAA)

Qormadii 2aad:


 Fariin ayaa la ii keenay maalintii 12kii April in si deg deg ah aan u soo galo Jigjiga. Waxa shaw i raadinaya Jananka ciidamada Itoobiya xukuma ee Jigjiga. Goor duhur ku dhaw ayaan soo gaadhay Jigjiga, Abiib Diirye(Wasiirka Ganacsiga ) oo markaa isagu wakiilka Jigjiga ee SNM ah ayaanu is raacnay Kafkadoorkii Jigjiga ayaanu markiiba daf nidhi. Ilayn waa la i sugayaye markii ba Janankii ayaa naloo gudbiyay. Ma garanayo anigu markaa waxa la ii doonayo, Abiib na laftiisu war ma hayo. Kolkaanu Janankii u galay bacda salaan ayuu intuu gacanta ku fiiqay kurastii miiskiisa dhinaca kale ka taalay yidhi soo fadhiista. Halkii baanu fariisaney. Toos wuxu u galay arinkii ku mudnaa. Wuxu yidhi Caligurey saw ma tihid? Haa ayaan idhi. Wuxu yidhi waxaan kuugu yeedhay in aan kuu sheego in madaxdiinii sare ay dawladda Itoobiya heshiis la galeen in ciidamadiina aad dib u soo rartaan oo la soo dejisaan ciidamada Itoobiya. Kediso ayuu arrinku igu noqday. Waxan idhi waxba kama qabo laakiin saw may fiicnaateen in madaxdayada sare la soo xidhiidho taliskayaga guud oo anigana amar i soo siiyaan. Maad u sheegtid Axmed Mire, Taliyaha ciidamada SNM hadda wuxuu joogaa Kaam Abokor eh. Intu madaxa ruxay ayuu yidhi maya maya dhamaan ciidamada ku gudo jira 15 Kilomitir ee ciidamada laga saarayo adiga ayay ku hoos yimaadaan. Intii uu Jananku hadalkiisa watay ayaan il-qoodha ka halacsaday Sarkaalkii Hawlgelinta, Alleh ha u naxariisto eh, Xassan Yoonis Habane, oo albaabka hore ee dhismaha taliska ka soo gelaya. Intoon hadalkii ka dhex gelay ayaan idhi waakan soo gelaya Xasan Yoonis ee isaga maad u sheegi. Intuu wejigiisu is bedelay isagoo khaanadii miiskiisa soo jiiday ayuu ka soo saaray taar qoraal ah oo uu yidh" Aniga waxa la i faray in aan Cali Gurey amarkan toos u siiyo”. Taarku Af Axmaar buu ku qoran yahay ugu yaraan magacayga waan akhriyi karaa. Waa runtii. Intii aniga iyo Abiib aanaan ka bi xin xafiiskiisa Jananku wuxu ii xaqiijiyay in laga bilaabo 15ka bisha May ay gudi milatari oo ka kooban labada dhinac, Somaliya iyo Itoobiya ay xadka mari doonaan si ay u xaqiijiyaan ka saaritaanka ciidamada 15km ee lagu heshiiyay, sidaa daraadeed ayuu Jananku yidhi waxaan kaa codsanayaa inta gudidu ay marayso xadka in wax dagaal ah aanay qaadin ciidankiina aad  xadka ka gudbiseen. Waxan idhi waxaan kuu balan qaadayaa in ciidankayagu aan wax weerar ah qaadin mudadaasi, lakiin haddii la soo weeraro dabcan way is dhaafacayaan. Wuxu yidhi: “Please try to avoid any confrontations, yacnii ma doonayno in wax isku dhac ahi uu dhaco eh”. Jananku wuxu ugu dambaystii warkii ku soo gebogabeeyay “In kasta oo Itoobiya ay gebi ahaanba joojisay wixii taakulayn ama saad iyo saanad ahaa ee ay idin siin jirtay, haddana maadaama aad amarkii qaadatay waxaan idiin sii daynayaa aniguna wixii hore la idiinku ogolaaday ee aydaan ilaa hadda la bixin. Go'aankaa aniga ayaa shakhsiyan qaatay .Tan kale si aad hawsha u fuliso maxaad u baahan tahay adigu”. Waxa ugu muhiimsan een u baahanahay waa shidaal ayaan idhi dabadeed wuxuu u yeedhay nin sarkaal ah oo yidhi sii wixii shidaal uu u baahan yahay. Weel igu filan ma sito waxaan wataa baabuur Tegniko ah oo qori ZGU ahi saaran yahay. Caqaar, Alleh ha u naxariisto ee, oo wade ka ahaa ayaan idhi wixii aad inoo qaadi karto bal inooga qaad. Waxa alla wixii kale waan ka tegay waayo wax aan ku qaado ba maan hayn. Wixii hore ee Jananku noo ogolaadayna anigu inta ay dhan yihiin iyo waxa ay kala yihiin maan garanayn. Waxaan u wada dhaafay Taliska Guud iyo cidii ku shaqada lahayd. Waa la qaaday jaan iyo cidhib meel ay
dhigtayna ilaa iyo hadda ma ogi.

Qormadii 3aad:


Kolkay sheekadii Jananku halkaa marayso ayey horta aniga wax ii baxeen, oo aan fahmay in Axmed Mire heshiiskan ogyahay kuna gacan saydhay, dabadeedna meel kale oo wax laga qabto la waayay loona baahan yahay cid xaaladdan cakiran wax kala maareyn karta kiina uu aniga noqday. Anigu ma waxaan aqbali karaa in ciidamada SNM dib loogu soo raro xeryaha ciidanka Xabashida. Haddaan aqbali lahaa afarta Taliye Guuto (waa Mahdi Cali, waa Maxamuud Haybe, waa Gacmo Dheere, Ilaahay SWT ha u naxariisto seddexdoodaba ee, kan afraadna waa Cabdikarim Xaashi-Agaasimaha Guud ee Wasaaraddda Gaashaandhiga Somaliland). Intayaduba haddaanu ogolaano se Mujaahidiinta aanu taliska u nahay ma naga aqbalayaan. Weger! Waxay noqotay ku kaajaan nin u aqqaan.
Maskaxda bini ‘aadmigu yaab badanaa sida uu Ilaahay SWT u abuuray. Ilbidhiqsigu mar buu noqdaa
wakhti aad iyo aad iyo aad u badan si uu qofku go'aan adag u qaadan karo oo xal sax ah u heli karo.
Malaha ilbidhiqsi badhkii ayey maskaxdaydu process-gareysey wixii macluumaad ku kaydsanaa iyo waxa la iga doonayo oo xalka ugu haboon ah. Nuskii ilbidhiqsiga ee dambe waan hayey xalka.
Aniga oo isku kalsoon ayaan Janankii oo welwel wayni wegiisa ka muuqdo, is lehna tolow maxaa ka soo yeedhi, baqaha ugu weynna ka qaba dhinaca madaxdiisii ka sugeysay jawaabta mar keliya toos ugu sheegay in aan aqbalay in dhamaan ciidamada aan masuulka ka ahay aaney ku sugnaaneyn 15km ee dhinaca itoobiya, laakiin u soo rari maayo xeryaha ciidamada Itoobiya, waayo cadawgu wuxuu
maalmahan dambe oo dhan wadey propogaandhe in ciidamadii SNM oo dhan hubka ay ciidamada Itoobiyaanku ka dhigayaan, ka dibna ay dawladda Somalia gacanta u soo gelinayaan." Ma sidaas ayey leeyihiin?”. Haa ayaan idhi. “Oo miyey ciidamadiinuna og yihiin?” ayuu haddana i weydiiyey. Haa ayaan ugu jawaabay. Intuu cabaar aamusnaa ayuu yidhi: "Please, ma doonayo in ay ciidamadeenu isku dhacaan.” Haddii aad kaga rumeyneyso in ciidankaaga oo dhan ka qaadeyso 15 km muhiim maaha in aad xeryaha ciidamadayadda keento ee ma kaga rumeyn kartaa arinkaa. Waxaan idhi haa balan weeye waan kaga rumeynayaa. Wuxu yidhi imisa ayey kugu qaadaneysaa. Waxaan idhi 24 saacadood. Ma 24 saacadood oo qudha ayaad ciidamadaada oo dhan kaga rari kartaa 15km ee kuligoodba ay ku jiraan, taasi macquul ma noqon kartaa? Waxaan idhi haa waayo anigu ciidankayga xadka dushii yaalla in aan 15km dib u soo raro waxaa iiga fudud in aan 3 km hore u geliyo gudaha dhinaca Somaliya. Wixii culus oo keliya ayaan goobo ka baxsan 15km isugu soo ururinayaa. Maanta ilaa caawa waan wada gaadhsiinayaa, beri 13ka bisha ayey wada dhaqaaqayaan, 14ka bisha kormeer u diro adigu.

Qormadii 4aad:


Alleh SWT ha u naxariisto ee, Gacmo Dheere oo jiida hore ka soo laabtey goor fiid ah iyo aniga oo Jigjiga ka soo galey ayaan sheekadii na dhex martey Jananka sarajooga ku siiyey ee aan fadhiga la sugi waayey, ka dib intaanu afka wax ku dhufaney ayaanu fadhi si rasmi ah jilbaha is dhigney.Anigu markaa waxaan ka fakirayaa intii aanaan fadhiisan meel in aanu jiida hore isla tagno maadaama Taliyihii Guutada 20 Abdikariim na halkaa ku sugan yahay. Balse Gacmo Dheere, Taliyahii Guutada Sayid Cumar iguma raacin in labdayadu aanu halkan talada ku sii rogrogno, Cabdikariim na subaxda aanu wax dhan ula tagno. Waan ku raacay. Mohamed Ismaciil (Washington) ayaa wax yar ka dib markii aanu fadhiisanay isna nagu soo biiray. Isaga oo taagan dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay jiidaha cadowga noo tibaaxay. Wuxuu ka waramay xeryo cusub ciidamadii cadowga ee xadka teedsanaa ay ka diyaarinayaa dhawr km xagooda dambe iyo midhi shaanlayn xeeladaysan. Dib u guuris sidaas ahi ma jiraan lakiin waa indho sarcaad loo dhigayo Itoobiyaanka oo aan iyagu ciidan ay leeyihiin marka hore ba aanu ku gudo jirin 15 km. Aniga lafteydu waxaan madaxa ku hayaa waa indho sarcaadka indho-sarcaadkiisa oo wixii aanu Jananka ku soo heshiiney maaha. 15 kilomitir oo aanu dib u soo guureyno iyo ciidan aanu 3km gudaha xadka dhaafinayno midna ma jiro. Markaa annaga iyo cadowgu isma khiyaameyneyno ee cid baanu wada khiyaameyneynaa, waana Itoobiyaanka oo aanu ka naqaano degaanka, dalka, iyo dadkaba. Annagu gaar ahaan waxaanu ognahay in cid kaymaha jiida ah ee madarka iyo tabataxanta aan cid noogu soo geli karta oo naga dhex baadhbaadhi kartaa jirin. Iska daa Xabashi ee Faqash ayaa hawaysan kari waydey. Mar Taliyayaasha Faqashta ee jiidaha hore ay madaxdoodu ku canaanteen in ay dib u soo maagayaan, waxay yidhaahdeen ma ciidan aan meel loogu hagaago lahayn ayaanu kolba xidh iyo kayn ka dhex raadinaa. Waanu ku waalaney annagu oo waxaanu noqoney dad jin deydayaya. Waxba yaan hadal
idinku daaline waxaanu cayiney laba barood oo aanu ku metalayno riiwaayadda aanu Itoobiyaanka u dhigayno: Lafo Islaameed iyo Kabo Qoray oo bari iyo galbeed ka kala xiga Dabayl Wayne kana durugsan xeryaha ciidamada Itoobiyaanka. Ciidamada Faqashtuna xeryaha ay oodayaan sida uu ku waramey Sarkaalka Wardoonka ee jiidu waxay dadka ugu sheegayaan in loo sii oodayo Qudhmista marka ay Xabashidu soo qabqabato ee gacanta ciidamad Xooga Dalka Soomaliyeed ka soo geliso. Hurdo li'idu waa caadi oo gama’ had iigu dambaysay lama yaqaan. Malaha maalintii heshiiska lagu dhawaaqay een BBCda ka dhegeystey xaalkaygu wuxuu ahaa guure bahaleyn, galab carawtiin iyo in aan hiirta waaberi jarmaado ahaado. Maalmahaa inta salkaba dhulka lala haleelaa iska yareyd waayo saacad ayaa nagu socotay oo dheg dheg dheg laheyd. Aniga iyo Gacmo Dheere arrimaha habeekaa gorfeyneyney kumey koobneyn sheekadii Jananka. Waxay taasi noqotay ta noogu sahlanaatey. Hadda ogow xaga Taliska Guud waxay ka noqotay arin ay ku kala dhinteen Itoobiya iyo Hogaankii SNM. Waxaanu gorfeyney halka ay mareyso tirakoobkii ay wadeen afarta guuto ee qaybta galbeed oo marka la isku celceliyo min 500 noqon karayey, hase ahaato in jiidaha hore ku sugan lagu qiyaasi karayay 1200. Ilaa 800 ayaa qubane ahaa min tuulooyinkaas ilaa Jigjiga iyo Dire Dawa. Ka sokow tirinta Mujaahidiinta, tirakoobka socday waxaa ku jiray hub iyo saanad wixii gacan ku jira een cid laga sugeyn xataa taliska guudna ku dhehoo. Waxa kale oo iyana muhiim ahayd la socodka xaaladda cadawga iyo weliba yoolalka la beegsanayo, gaar ahaan magaalada dhexdeeda, waayo qorshaha aanu ka fakireyney wuxuu ahaa iyadoon xabadi qusho odhan in aanu ka dhex toosno Hargeysa, sidii Burco ka suurogashey.

(ALLE MAGANE WAAN RABEY INAY KUGU ADKAATOO CIDNA EERSANWEYDEE)

 Qormadii 5aad:

Waa caadi oo dagaalka waxa jira wax badan oo qarsoodi ahaada iyo sua'aalo aan laga jawaabin oo waxay noqdaan Siraha Dagaalka (The secrets of the war). Dagaalkii 2aad ee dunida ayaa la ogyahay in run badani ay maqantahay. Taariikhda SNM wey adagtahay kolkaas in wax run ah oo wax badan mugdiga ka saari kara maadhna u noqon kara ummada la helaa weeyaan. Tusaale ahaan qof goobjoog
ahaa ayaa ka waramaya dhacdooyin. Dabcan dhacdo walba meel uun bey ka dhacday, cid baa ku lug lahayd iwm. Waxaa la odhan xagoodii uun buu ka waramay, muxuu kan u sheegi waayey, muxuu keer uga tegay. Kuwa sidaa odhanayaa meel uu ka warami karo oo uu joogeyba ma jirto ee qof baa gaar ugu waramey, wax buu guntan yahay, cid buu sitaa, cid buu diidan yahay. Markii cidii dadaal sameyn lahayd waxaa ku dhacaya niyad jab oo wuxuu is odhanayaa waar intii kan la odhan lahaa ama keer la odhan lahaa iska daa. Markaa kuli waxaa la noqonayaa eed ka carar. Dadku wey is khilaafaan. Inta badan cid wada sax ihi ma jirto, cid wada qalad ihina ma jirto. SNM arimaha la isku khilaafsanaa xataa kuwa laga yaabo in ay si toos ah saameyn ugu lahayeen hawlaha dagaalka kor in loo qaado lama ogola. Xudunta khilaafyada SNM waxaa inta badan ahaa Korneylada. Iyaga xurgufahooda hoose, wax kala riixashadooda, iyo xintankooda ayaa ahaa sunta sadheysa ururka kor ilaa hoos. Ma waxad aragtey rag nin walba diyaar u yahay in uu dhinto oo dabka isku guraya oo mid baqe iyo fuleynimo lagu tilmaameyn marka cadowga la is hayo, marka ay dhexdooda tahayna aan iyagu wax isu ogoleyn cid kalena wax u ogoleyn xintanka dhexdoodana aad adhi-jir uun moodeyso iyaga oo rag waaweyn ah dadkooduna wax weyn u haysto. Sua'aasha taagani waxay tahay si qaladaadkii dhacay loo daboolo suurtogal ma tahay in gebi ahaanba taariikhdii halgankii dib u xoraynta Somaliland ee uu hogaaminayey ururkii SNM ay ku biirto Sirihii Dagaalka (The secrets of War). Hadii ay sidaa noqoto waxaa aynu wada aqbaleynaa in taariikhdii halgankaasi ay ugu dambeysta noqoto wax suulay.

Qormadii 6aad:

Abaaro 8dii fiidnimo ayaan soo gaadhay Kaam Barwaaqo anigoo ku socda Xarshin. Meel badhtanka kaamka ah ayaa waxa i joojiyey Mujaahid Cabdi Cawar iyo mujaahidiin kale. Mujaahid Cabdi ayaa i waydiiyey waar Caligurey xageed goortan ku socotaa. Waxan idhi dhawr habeen maan seexan oo waxaan is leeyahay caawa Xarshin gaadh oo si fiican isaga seexo. Ogor ayuu yidhi oo warba ma haysid miyaa? Waar waxa la yidhi Moorgan iyo saraakiishii Faqash ee qaybta 26aad oo dhan ba maanta Jigjiga yimi, casarkiina wixii oo is wata maca Xabashidii ayaa Xarshin Helicopter ku yimi oo ku xafladeynaya. Gartay in maanta ay tahay 15kii May oo ay ku buuxdo mudadii bisha ahayd ee kala durkinta ciidamada oo ay suurtogal tahay in madaxda ciidanka Faqashtu ay Jigjiga iman karaan, hadii ay doonaanna saraakiisha Somaliya iyo kuwo Itoobiyaan ihi ay wada jir u mari karaan jiidaha xuduudka labada dal lakiin haddii ay jirto waxaan garan waayay waxa Xarshin oo 30 kilomitir u jirta xuduudka labada dhinaca keenay. Waxaan is idhi intaad adigoo gudaya aad Xarshin dugaag jalo butaynaya juq u odhan lahayd hurdana yeelkeede Kaam Barwaaqo caawana ku soo jeed. Waxaanu is raacnay Muj. Cabdi oo waxaanu ku biirney Sheekh Sancaani iyo xertiisii oo fadhiya derged dhinaca waqooyi kaga soo jeeda wada kala dhex marta labada sekadood ee Kaam Barwaaqo. Sheekh Sancaani Alleh SWT ha u naxriisto ee waa sheekh weyn oo aad looga yaqaano Somaliland, gaar ahaana Magaalada Hargeysa. Wuxuu caan sheekhu ku yahay qasiidada bisha ramadaan afurka hortii laga qaado Radio Hargeysa ee “YAA TAWAAB", waana sheekha loogu magac daray Guuto Sheekh Sancaani markii uu wafaaday ka dib. Laakiin Sheekha wax ku dhacayba intii mudo ahayd hadalku kama soo baxo oo ma hadlo waxaase dhinaca midig ka fadhiya nin marka uu sheekhu doonayo in uu xerta wax u sheego uu dhigta wax u saaro, ka dib na isagu intuu codka kor u qaado yidhaahda sheekhu wuxuu yidhi sidaa iyo sidaa. Sida caadiga ah markuu sheekhu ninkaa dhegta wax u saarayo waa la wada aamusaa oo sheekada waa la joojiyaa. Habeekaa markii aan in yar fadhiyey ayuu sheekhii ninkii dhegta wax u saaray dabadeedna ninkii intuu codkii kor u qaadey dadkii kalena wada aamusay ayuu yidhi: "Sheekhu wuxu yidhi Alahayow ninkaa ugu dambeeyay ee soo fadhiistay muxuu ciil qabaa". Mar qudha ayaa inta xagaygii la soo wada eegay qosol jaanta la wadhay. Waxaan is idhi Sheekhu ma wuxuu la yaabay gadhkan aad cidida gawda kaga saartay ee dhinaca dhan aad banaysay, iyo hoostan aad u foorarto iyo aamuskaaga, mise xaalkaaga ayuu hoos u ogyahay oo nin Ilaahay wax badan ogaysiiyay weeyaan.

Qormadii 7aad


Mujaahid Ibrahim Dhegawayne wuxuu ka mid ahaa saraakiisha aan ugu kalsoonida badnahay saraakiisha SNM, gaar ahaan marka laga hadlayo arimaha milatariga iyo xaaladaha dagaalka ee aan arinku siyaasad ahayn ama siyaasadeysneyn. Ibrahim wuxu ka mid ahaa shakhsiyaadka aanu sida gaarka ah uga sheekeysanay xaaladda dagaalka iyo yoolalka ugu muhiimsan ey tahay in mudnaanta la siiyo. Waxaanu isla qirnay in ay suurtogal tahay in ciidankayagu, gaar ahaan col waynuhu uu ka gudbi karo xadka oo uu gaadhi karo yoolalkiisa magalada Hargeysa isaga oon dhexda wax dagaal ahi ku qabsan. Muj. Ibrahim wuxuu ahaa sarkaal milatari ah oo si milatari u fakirayey. Wuxuu diiradda saarayey yoolalka ugu adadag ee ciidanka cadowga oo dabcan kuwa mudnaanta koobaad yeelanayey, lakiin anniga waxaan madaxa ku hayey yoolal kale iyo arimo badan oon is lahaa waxay u qalmeen in xisaabta lagu darsado, haba noqdaan mudaanta labaad iyo sedexaad ba ee. Yoolalkaa hadda halkan kuma soo koobi karo, lakiin buugii aan wakhtigaa ku qoray ilaa iyo hadda waan hayaa oo gacan tayda kamuu bixin.Yoolalka aan ka hadlayaa ku milatari iyo kuwo aan milatari ahayn ee haya'daha kale ee amniga iyo xataa kuwo madani ahba leh kuseeyeyna maareynta arimaha madaniga ah xiliga dagaalka iyo hadii goobaha laga qabsado cadowga. Wakhtiga laga soo kala ambabaxay Dhoobo Guduud iyo markii uu dhaqaaqay ciidankii Burco galay waxaan filayaa in mudada u dhaxaysey ay ahayd ugu badnaan afar maalmood. Kaba Qoray waxaan ka soo dhaqaaqay subaxnimadii 28kii May 1988 oo aan xaga Xarshimeed u soo baqoolay, aniga oo aan runtii garaneynin waxa aan doonayo lakiin niyad jabsan oo werwersan.Weli markaa ma ogi in Burco la galay. Markii aan Xarshin soo gaadhey waxaan ku la kulmay saaxiibkay AHN ee Axmed Jamac Saban, Janan Oogo oo isna xaalkiisu aanu i dhaamin, isagaana garanayey waxa saacaddan kala dhaqaaqa la joogo aanu Xarshin dabada u soo geliney. Muj. Axmed ma garan karo goorta aanu is baranay waayo waxa aanan garaneynba annaga oo aan is aqoonin. Wuxuu Axmed ahaan jiray nin duruuf kasta oo jirta isagu farxsan oo sheeko iyo kaftan badan. Intii taqaaney way wada qiri karaan wuxuu ahaa qofka keliya een aqaaney ee aanan weligay arag isaga oo cadhaysan ama xanaaqsan ama werwer iyo walaac ka muuqdo wejigiisa. Maalintaa ayaan ALAYLAHE is leeyahay waxay ahayd maalintii uu ugu niyad xumaan tan iyo caruurnimadayadii. Axmed isaga ayuu ahaa qofkii ugu horeeyey ee ii sheegay in Khamiistii uu ciidankii barigu (Madina) dhaqaaqay ilaa shalayna uu Burco ku dhex dagaalamayey, sida uu sheegay Maxamed Kahin oo Xarshin soo gaadhay. Axmed markaa waa ambabax oo bari iyo ciidankiisii Sayid Cali ayuu aakhirkii go'aan saday in uu toos u abaaro. Maalintaasi waxay ahayd maalintii isugu kaayo dambaysey. Anigu anigoon garaneyn meel aan Xarshin uga dhaqaaqo,xaaladii aan kaga imid Kabo Qorayna aan arkayey in aanay fiicneyn ayuu Muj. Gacmo Dheere oo ka tuuraya Xarshina aan muraad kale u iman ee aniga isoo doonay uu daf soo yidhi. Markaanu is wareysaney ka dib halkii baanu iska raacney annaoo waajib gaar ah wada leh. Fiidkiiba annagoo 16 mujaahida ayaanu xadka ka soo gudubnay oo Hargeysa u soo ambabaxnay.

Qormadii 8aad:

AHN Muj. Gacmo Dheere ayaanu iska raacney Xarshin dagaalkuna maalintii labaad ayuu Burco ka socdaa. Fiidkii ayaanu isu soo dhamaanay annagoo 16 mujjaahid ah oo u badan kuwii xaga sahanka iyo wardoonka ka shaqayn jirtay intooda badanna aan is leeyahay Muj. Gacmo Dheere ayaa isagu gacantiisa ku soo wada xushay. Runtiina waxay ahaayeen rag adag oo isku kalsoon. Markii aanu ku soo wada dhamaaney goobtii bar kulanka ee aanu ka dhaqaaqeyney waxaa isaguna goobtii noogu yimi Muj. Maxamed Cilmi Samater, Taliyihii Guutada Sayid Cumar si uu u xaqiijiyo wadada colwaynuhu ka soo geli doono xadka oo gelitaankayagu sahan u noqonayo. Waxaanu isu qaybiney laba landcruiser dabadeed fiidkiiba waanu dhaqaajinay isaga oo Muj. Maxamed Cilmi iyo ilaaladiisii gaarka ahaydna la socoto. Mixnadda ugu adag uguna dhibaatada badan waa sida aanu keynta la yidhaahdo Dabataxanta uga gudbi karno anaga oo aan wax wado ah marin. Masaafadu waa ilaa 8 kilomitir oo ka bilaabmaya xadka ilaa Booraanta Faaf. Marka xaga waqooyi laga yimaado ee la soo dhaafo Sheekh Moodle haddii aad baabuur wadato may jirin wado toos ah oo aad xadka u mari kartaa haddii aanad ama bari u qaadin wadada tagta Syla Galbeed ama aanad galbeed u qaban ta Cadaroosh marta. Aniga iyo mujaahidiin kale oo ka tirsaneyd kooxda sahan qaarkood noo mey cusbeyn halka aanu ka gudbeyno iyo guud ahaan mashaqada hirigta keynta shareeran ee Dabotaxantu. Lakiin waxaa dhamaantayo noo cusbaa in aanu goobta ugu adag baabuur ku hawaysano waayo keyntu waxay u badan tahay sogsog fooda is dartey. Marka aanu lugta nahay in laba qof is barbar gashaa mey ahayn wax suuroobi kara ee waxay qasab ahayd in mid mid la isu dabo galo. Qodaxda sogsogtu waa shaqaabad maaha sida ta galoolka, maraaga iyo qudhaca oo kale ee fiiqane waa ilkoyar oo soo qaloocan oo halka ay kaa qabsato jidh iyo maro ba way goosaneysaa. Sidaa daraadeed dadka ku nool ama xoolaha ku raaca hadaad u fiirsato jidhkooda waxaad ku arkeysaa xagtimo dhaadheer oo ku wada yaala, siiba gacmahooda iyo xataa lugahooda. Waxaa ugu daran qofka macawista xidhan iyo dumarka oo hadhka maalin weyn ay kolba laani isku mareyso habeena daa hadalkii. Si dhib badan ayaanu qadar saacad ama ka badan ah kolba meel jiq ah isku qaadeyney. Baabuurta indhuhu wey bakhtiisan yihiin, dayax ma jiro, waxaanu ku gudneynaa waa xidigaha. Inta dusha saaran waxaa u dhamaaday rafaad. Jambiyada waa laga fogaanayaa sagxadda ayaa sidii kaluunka saaradiinka la isdul raseysan yahay, oo miyaa lagu nabad gelayaa intaa kolba mid bey goosaneysaa oo aada haya, kolla darawalka canaananaya oo demenka tumaya oo miyaa loo joojinayaa weligiiba ha cabaado. Anaga oon bir iyo bes dooneyn ayaanu aakhirkii ka dhex dusney Dabataxantii iyo Booraanteedii Faafba daadbeedna halkaas ayaanu baabuurtii kaga daadaney. Maxamed Cilmi iyo colkiisi waxay la noqdeen baabuurtii annaguna halkii baanu lugta ka soo qabsaney oo Sheekh Moodhle foolka saarney markaanu in yar u soo jirneyna xaga galbeed isu yar barbariney.

Qormadii 9aad


Annaga oo hal fiilo ah ayaanu dhinaca bari is kaga duugney Sheekh Mooldhe dabadeedna cagta saarney wadada la yidhaa Fahda. Marka aad gudcur habeen gudeyso waxaad tahay uun sanqadh dhegeysi oo dhegta ayaa indhona kuu ah, marka ay colaad tahayna habeenkii waa sanqadh la' oo sida aad ku garan karto halka aad mareyso in cidi taal iyo in kale wey adag tahay gaar ahaan marka habeenku gudcur yahay, waxaana ugu sii daran marka dhulku duud yahay eenu ban ahayn. Nasiib wanaag markaanu la gudbooneyn Sheekh Moodle ama in yar uu dhaafney ayuu dayaxii soo baxay hal baarkeed intaanu gaadhin ayaa durba wax noo kala muuqdeen. Marka arladu cabsi tahay habeenkii waa sanqadh la'. Haddii halka aad mareyso ay reero yaalaan sawaxan iyo buuq ma leh, codktii ciyaarta ee xiliga nabadda oo meel dheer aad ka maqli lahayd lama ogola oo dunidu waa yeedhaa dem. Waxaa ugu daran marka habeenku gudcur yahay duudna aad socoto ee orgi qalaaday iyo tu gabadh ah oo caweys dambe qoosh garaacaysa aad u dheg taagto eed wehel ka dhigato. Reeraha wadada Fahda degin itooda badani maaha reer guuraa ee waa degaan ka caano diiqa Hargeysa, mujaahidiinta kooxaha sahankuna iyagaa ayaa ugu dal yaqaansan Ciidanka Xoraynta mararka qaarkoodna waxaa xoojiya dal yaqaano khaas ah (Area Specialists) oo ka soo jeeda degaanka la dhex maraayo waayo aag cadaw (Enemy Area) waxaa muhiim ah in aad si fiican u taqaan degaanka dadka iyo dhulka gaar ahaan marka aad jebhad tahay, waana in aad cid qarsoon ku leedahay waaney jireen oo waanu ku lahayn. Lakiin caawa jiidan hore oo dhan uga maanu baahneyn in aanu cid la kulano warka aanu ka hayno ayaa nagu filaa, waxaana ugu muhiimsanaa ciidankii Sheekh Moodhle oo laga rarey, taasna waanu heyney marka horena ciidan yar buu ahaa oo aan Col Waynaha is hor taagi karin. Hadii uu fadhiyi lahaana inta aan ciidanku soo gaadhin in laga sii takhaluso ayay noqoneysey. Jiida waxaa ciidan ahi kuma soo kordhin wadada aanu hayno ee Fahduna hadduu cadawgu mid fakaraya yahay markii Burco la galeyba waxay ahayd inay xidhaan oo ciidan adag dhigaan. Waayo Sheekh Moodhle iyo jiida ku beegani waxay u dhaxaysaa laba ciidan, ka Bali Cabane iyo ka Cadaroosh oo midba uu hal urur yahay inta badanna waa jiida uu midba kan kale ku haleeyo ama ay isku riixriixaan marka ay ku murmayaan aagagooda waajib. Saacadihii hore waxaanu ku soconey xawli dheereynaya in kasta oonu ciidan nahay oo si culus u raranahay: Qoriga iyo Qasnadaha Rasaasta, Buumbo Gacmeedka, lidka Taangiga iwm. Dharka aanu xidhanahay laftiisa ayaa culays ah waayo waa noo hu waana noo gogol. Sidaanu u laleyney ayaa mar qudha Muj Gacmo Dheere bilaabay dhutis ka dibna xaawligii baanu dhigney, mar iyo labana waanu joogsaney si aanu u nasino xaalkiisana yar baxnaanino lakiin runtii waxba umay tarin arinkiisina wuxuu noqday mid marba marka ka dambeysa ka sii daraya. Jilib ayaa wareegey oo dhaqaaquba wuu damqayaa. Ugu dambeystii waxaanu luudinaba iyadoo aanaan weli gaadhin meeshii ay qasab noqotay in socodkii aanu joojino iyadoo ay saacadu markaa tahay abaaro afartii oo waaberigii wax yari ka hadhsan yahay. Maalintii socod ma jiro ee xaalku waa dhuumasho iyo kolba in ay badhna laamadoodsadaan badhna feejignaadaan oo gaadh ahaadaan ilaa fiidka dambe la gaadhayo. Maalintii oo dhan waxaanu ku jirney keyn yar oo xidh ah oo aan sidaa uga sii fogeyn wadada Koore Qaada ee isku xidha Gadh-Yogol iyo Hargeysa oo beryaha qaar ahaan jirtay wadada ugu muhiimsan ee loo maro magaaloyinka muhiimka ah ee galbeedka: Gebilay, Wajaale, Borame ilaa Djibouti. Muj. Gacmo Dheere wax badan oonu ka qaban kareyney ma jirin runtii waayo waxaa na seegtey in kooxda uu ku jiro hal mujaahid oo Kalkaaliye Caafimaad ihi, waana sidii caadiga ahaan jirtey marka waajib kan oo kale loo baxayo. Malaha mujaahidiinta kooxda oo sidii aan hore u soo sheegay u badnaa kooxaha sahanka iyo wardoonka waxa suurogal ah in isku kalsoonidoodu ahayd dheeraad

(Anigoo wax dili kara Duco qaadan maayoo Nolol kuma dardaarmee Danba haw gilgilatee Aaway dawladdii Xamar?)

Qormadii 10aad:

Maalinta gelinkeedii hore oo dhan caalamka nagu xeeran ayaa ahaa mid degen. Anaaga dhexdayada hadal ma jiro. Waxaanu nahay in gataati dhacdey iyo in soo jeeda oo gaadh ah. Laakiin gelinkii dambe wax soo jeeda mooyee cid huridey mey jirin, sheekadana waanu gaagaab saneyney. Anigu Reediyow SONY kan ugu yar ah ayaan hoos u dhegeysanayaa isaga oo jeebka sare iigu jira waayir kuna dhegta, mar marna intaan waayirka ka saaro ayaanu wada dhegeysanaa. Muj. Gacmo Dheere Nikab ayaa jilibka ugu jira nasasho dheer ka dib waxaad moodaa iney wax tartey oo waxooga uu ladnaaday. Waxa xusid mudan Burco oo dagaalkii maalintii sedexaad ka socdo iyo hadana Radio
Hargeysa oo aan isagu badaa ba hayn. Waxa ka socda dhaanto "QARSHO WEEYEE, QARSHO WEEYEE QALBIGU, ARMUU IGU QARXAA!”. Intii aanu xidhka isku qarineyney tiraba laba jeer ayay na kor haadeen diyaarado miig ah oo ku duulaya joog hoose dhinaca xadkana ku socda. Waxay taasi muujineysey in cadowgu war helay ama shakiyey amba qiyaasay in uu jiro weerar ku soo wajahan Hargeysa. Kollay calaamad wanaagsan mey ahayn ee waaxay ahayd calaamad xun anagana markii dareen shaki ayaa na galay, haadana wax aan la fili karin may ahayn in cadowgu bilaabi karo tabaabushe hor leh uu kaga hor tegayo weerar ay xoogaga SNM ku soo qaadaan fadhiisimadooda magaalada Hargeysa dhexdeeda ah oo dabcan ay garan karayeen in xoogaga SNM ay bar tilmaameedsan doonaan haddii ay u suurto gasho inay soo gaadhaan magaaladda. Qodob ka mid ah qodobada ugu muhiimsan mabaadiida dagaalka (Principals of War) oo la yidhaa Mabda' kediska (Principal of Surprise) ayaa xusaya in muhiim uu yahay ka naxsiga cadowgu marka aad weerarayso (Surprise Attack). Nasiib wanaag ciidankii Burco galay iyo kii Cadaadley galay labadaba wey u suurto gashay, laakiin Hargeysa sidii lagu galay, mid ka mid ah mucjisooyinkii dagaalka uun dheh. Gabal dhac maanu sugin ee casarkii ba waanu dhaqaajiney. Intii aan cadceedu dhicin waxaanu ka talowney wadadii Gadh-Yogol ee dalcada Ina Naxar ka soo baxaysey dabeedna Karin Shabeel ayaanu ka dhaadhacney. Wax yar ka dib ayaanu jihadii waqooyi eenu intii hore oo dhan u soconey bedelnay oo bari u jiifiney iyo xagii Hargeysa. Muj. Gacmo Dheere oo intii hore oo dhan ladnaa ayaa jilibkii bilaabay xanuunkii in hadba sidii loo jabo loo dhutiyana markaa dan baa tidhi. Dhaqaaq joogsanaba wuxuu na daba luudaba goor ay cawayskii tahay ayaanu daf u soo nidhi Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed Gadh Yogol oo tuulada Xareed degan. Sheekhii is wareysaney ileyn waa Ahlu Laahi markiibana fahan xaaladii Hargeysa iyo wararkii ugu dambeeyeyna nagu taabay. Haddana mid xerta ka mid ah dir oo yidhi waar tow dhehoo baskii Hargeysa ka soo galay darawalkii waday u yeedh dabadeed isna loo yeedh oo warkii noo sii faah faahi. Intaasi markii ay dhacday tashaney anaguna. Markaanu wax is la eegeegnay
waxay noqotay in aanu isu qaybino laba kooxood. Koox Hargeysa gasha oon tiro ahaan badneyn iyo inta kale oo toos u abaarta xeryaha qaxootiga ee Laas Dhuure iyo Agabar oo marka la isu geeyo ay ku nool yihiin qaxooti 50,000 ilaa 60,000 oo qof ihi. Labada xero waxaanu hayney sahankooda oo sugan oo waanu ogeyn in laba rugood oo bilays ah waxaan ahayn oo ciidanihi aanu degenayn. Dhinaca kalena waxaanu is tusney khatarta ay ku noqon karaan ciidamada SNM marka dagaalku Hargeysa ka qarxo. Sidaa darteed inta goori goor tahay waa in labadaa xero ba ay xidhmaan qaxootiga ku jiraana ay budulka jeexaan ilaa iyo halkii ay markii hore ka yimaadeen, Itoobiya. Muj. Gacmo Dheere oo isagu kooxda hogaaminayay ayaa xaadiriyey magaacda inta magaalada gelaysa waxaney ahaayeen:


  1. Muj. Maxamed Xasan Gacmo Dheere
  2. Muj. Caligurey
  3. Muj. Yussuf Gadhle (Sh. Sancaani)
  4. Muj. Cisman Owrliqe
  5. Muj. Axmed Dhako
  6. Muj. Khader

Tobanka mujaahid ee kale iyagana waxa ka mid ahaa oo aan hadda xasuustaa:
  • Muj. Axmed Jabaan
  • Muj. Muxumed Cali Indho case
  • Muj. Cabdiqaadir Muxumed Aw Axmed
  • Muj. Maxamed Dacar Ibraahim
  • Muj. Cali Mirqaan
  • Muj. Xabeeb

Qormadii 11aad:


Markaanu xog wareysiyadii dhameysaney eenu is qaybiney wixii aanu is farayneyna is farnay, ayaa intuu Sheekhi noo sii nabaadino xidhay aanu lixdayadiina galbeed iyo xaga Hargeysa u dhaqaaqney tobankii kalena waqooyi afka saareen ka dib markaanu halkii isku sii wada macasalaameyney. Muj. Gacmo Dheere annaga ayuu nala socdaa runtii wuxuu ku socdaa waa istiil iyo adadayguu u dhashaye raga qaar hadii uu la mid yahay wuxuu na odhan lahaa waar aniga socod iguma jiro ee halkan sheikha agtiisa igaga taga waana halka keliya eenu ku aamini kareyney. Kollay caawa in aanu Hargeysa galnaa noo la' waayo waxay noqoneysaa goor dambe oo gelitaankayagu wax macno leh sameyn karin. Sida aanu xogta ku hayno magaaladu waa bendoo. Inta aanaan daf odhan waaxa muhiim ah in marka aanu duleedkeeda gaadho xidhiidho samayno ka dibna markaa xaaladda si dhab ah u qiimeyno kuna go'aan qaadano.

Goor habeenka niskiisii dambe ah ayaanu soo gaadhney Xaraf oo ah tuulada ugu xigta Magaalada ee dhinaca ku haysa xaafadda Boqol Jire. Waxaa joogey oonu la xidhiidhney laba nin oo kolley anigu aanan markaa aqoon hore u lahayn waana: Xaaji Koobali iyo Gurey Caydiid labadooda ba Alleh SWT ha u axariisto eh. Xaraf waxaa degenayd guutada 24aad oo ahayd kaydka qaybta 26aad, kuna xooganeyd gawaadhida gaashaaman ee loo yaqaan BByada. Lakiin xeradii 24aad habeenkaa way haawaneysey xogna waxaanu ku helnay in xaga Masalaha loo qaaday, FII SHII! Masalaha haddii loo qaaday makaanu galabtii wadada Koore Qaada ka soo gudbeyney macnuhu waxaa weeye markaa waxay naga xigtay galbeed iyo dhinaca Hargeysa, taasina dhibaatadeeda ayey yeelan kartaa waayo marka colweynuhu wada Fahda soo qabsado ee joogo Koore Qaada halkaana haddii uu galbeed u raaco waxay is heli karaan 24aad oo jid gooyo ah. Sheekh Moodhle oo annagu aanaan ciidan ku soo dhaafin laftiisa waxaa lagu sheegay ciidan. Ciidankaasi in uu yahay 24aad iyo inuu yahay ururkii Cadaroosh iyo inoo meel kale ka yimi lama kala sheegin. Xaraf waanu dhaafney, Boqol-jire oo xaafadda ugu galbeedeysa magaalada Hargeysana maanu gaadhine intaanu wadada dhanka waqooyi uga baxney ayaanu meel aanu isku qarino galay sidii xalayba aanu yeelay. Maalintii oo dhan lixdayadii halkii baanu ku jirney waxaa na arkeyna nin dhalinyaro ah baa jirey isagiina halkan agtayada ayaanu ku xidhnay. Ha iska xidhnaado anaba waa xidhanahaye.

Qormadii 12aad:

Gidiga maanlintii madaxayga waxaa ku wareegayey arin keliya waxaanu ahaa diyaar garawoga ciidankii Hargeysa iyo goorta uu soo dhaqaaqayo. Burco maalintii afraad baa lagu dagaalamayaa. Cadaadleyna waxaa la galay shalaynimo laakiin annagu warkaa ma hayno. Qorshihii hore ee anniga iyo Gacmo Dheere ogeyn yoolalka ugu muhiimsan ciidanka cadowga wuxuu ahaa dhinca galbeedka Taliska Qaybta 26aad iyo Birjeex dhinca barigana Airport-ka iyo Dabada Cadaada oo ku talogalku yahay in qaybta 4aad na ay labada galbeedka weerarto, qaybta 3aad na labada bariga weerarto. Lakiin xaaladuhu wey is bedbedeli karaan. Mar haddii Burco la galey mujaahidiinta kale ma aqbali karaan, duruuf kasta oo jirta, in meel iska taagnaadaan iyada oo mujaahidiintoodii kale ay Burco ku dhex dagaalamayaan. Waxaan xusuus nahay dagaalkii buuraha ee 1984kii arimaha ugu weynaa ee ku kelifey ama soo dedejiyey in ciidamadii dhinaca galbeedku ay qorshe la'aan iska dhaqaaqaan oo weliba aag cadow ka galaan iyagoon waxba qiimeyn waxaa ka mid ahaa geeridii Lixle markii loo soo sheegay. 16 kii Oktoobar, oo ahayd maalin ka hor dagaalkii Burco Duuray waxaan ka mid ahaa mujaahidiintii ugu dambeysey ee Xarshin ay ku sii wada qayilaan isaga oo ka yimid galbeed oo u socda Burco Duuray iyo Guutadii Sayid Cali oo wax yar ka hor uun ka soo baxay dugsigii Aware. Mahdi Isxal iyo Axmed Koosaar Faarax Jire oo labaduba Alleh SWT ha u naxriistee ka mid ahaa Mujaahidiintii dagaalkii buuraha ku shahiidey ayaa ka mid ahaa inta mujaahidiintaa aanu Lixle la wada fadhiisanay. Waxaan gaar ugu soo qaadanayaa waxay ahaayeen labada noogu cadifiyadda badnaa ee geeridii Lixle ay sida waalida ah u hiyi kicisey. Alleh SWT ha u naxariisto ee waxaan xusuustaa hadalkii ugu dembeeyey ee Muj. Lixle intii aanu bari noo dhaafin oo labadoodaba ay kaga dhiganeyd ilaa aanu dhaqaaqeyney. Hadalkaasi wuxuu ahaa:” WALEE ANIGA IYO
FAQASH AYAAN QAAXO ISKU HAYSAN”

Hadaba, maanta oo ta taagin ay tii maalintaa ka sii daran tahay waxaan garan karaa ciidankii galbeedku inuu xakame ruug yahay shil mooyee shil la’aana uu badhtamaha Hargeysa mar hilaacin doono dhakhsona tahay. Sidaan filayeyna maalin shanaad dib uma dhicin. Casarkii ayaanu ninkiina siideyney annaguna xaafadda Boqol -jire ee galbeedka Hargeysa daf soo nidhi. Muj. Gacmo Dheere nin uu garanayey ayaanu dooneynaa in aanu ku hagaago. Galaabtaas oo dhan waxaa nala socda shimbirka la yidhaa Baaz-ka oo ahaa saaxiib qaali ah. Haddii aan idhaahdo isaga ayuu ahaa cidii nagu hagtey halkii aanu dooneyney yaa iga rumeysanaya. Wuxuu nala socdaba markii dambe ayuu geed halkana iska fadhiistey markaasuu Gacmo Dheere yidhi waar waxaan u maleynayaa in anyu joogno ee halkan bal ina fadhiisiya. Maxaad ku garatey makaan waydiiyey intuu farta ku fiiqay Baazkii ayuu yidhi sawkan ina hor fadhiistey, sidii baaney noqotey

Qoemadii 13aad:

DIB WAXAY KA NOQOTOBA BELOOY DOORKA MAANTA AH ADAAN DAACAD KUU AHAY HADDII LAYGU KAA DIRO DIGASHAAN KA DHIGAYAA ADNA DIID QOF KULA FAQA
Muj. Gacmo Dheere Alleh SWT ha u naxariisto ee ayaa Muj. Khadar cid u diray, wax yar ka dibna nin baa noo yimi nooga waramey arimihii ugu dambeeyey oo dabcan noqonayey macluumaad uu bixin karo qof shicib ah oo caadi ihi. Wuxuu ka waramey in gelinkii hore 5 baabuur oo browno ah lagu xidhay sameecado kuna wareegayeen magaalada iyagoo dadka u sheegaya in laga bilaabo seddexda galabnimo ay magaaladu bandoo tahay oo qof gurigiisa ka soo baxa iyo gaadiid socon kara ay mamnuuc tahay. Dadka waxaa bandooda looga sheegay shantaa baabuur ee wax ciidan ah oo dhex jooga magaalada ma jiraan kol ay roondo ilaalineysa bandooda tahayna, haddana dadku sedexdii galabnimaba wey xaroodeen waxaa xereeyeyna waa baqdin uun ee hal askari ma dhex joogo xaafadaha. Wuxu yidhi: "Anigaa galabta soo dhex maray oo dusha ka soo wareegey cid i joojisayna may jirin shantii brown ee micrifoonada lagu xidhay shantiiba waxaan ku sii dhaafey Xero Digaagta, hadaanu gabalku dhicin idinka laftiinu halkanba waa ka raki lahaydeen”. Wuxuu sii raaciyey: " Sidii Burco loo galay nimanki i waa wisiisi oo waxay bilaabeen xadhig aan loo kala aabo yeeleyn hadday sii socoto na waxaan is leeyahay nin Reer Sheekh Isaxaaq ah oo hebel la yidhaa oo la badbaadayaa ma jiro. Nimanku waxay ugaadh sanayaan odayaasha magaca leh, ganacsatada, aqoon yahanada, madaxda cid ay reebayaan ma jirto”. Markaanu waxoogaa halkii ku sheekeysaney eenu ku shaaheyney ayaanu ninkii odayga ahaana fasaxney annaguna xagii magaalada u dhaqaajinay. Halkan Xero Digaagta markii hore eenu Muj. Gacmo Dheere isla eegeyney yoolalka muhiimka ah ee cadowga waanu ku darney. Waxaanu isla qaadaney in ciidan aan ka badneyn 100 mujaahid oo gaar ah u qorsheyno Xero Digaagta, waayo waxaa yaaley lix qori oo madaaficda 100mm ah (waa qoriga taangiga ruushka ah). Lixdaa qori waxay u dhigmi kareen lix taangi oo dhulka yaala, hase ahaato ee markii dambe eenu bandhigney Muj. Ibraahim Dhega Wayne isagu Xero Digaagta iyo yoolal kale oo markii hore aan Gacmo Dheere ku qanciyey isagu wuxuu ka qabay aragti kale. Wuxuu igu yidhi: “Iska dhaaf kuwaa yar yar oo dhan hadii aynu kuwa waaweyn qabsano iyagu macno ma yeelanayaan ee". Kuwa waawayn wuxu uga jeedey dabcan, Taliska qaybta, Birjeex, Airportka, iyo Dabada Cadaada. Waxaan is leeyahay Ibrahim wuxuu malaha tixgelinayey in xooggu goobo xadidan ku dhaco oon qayb qayb samin. Marka ay tahay kadimada magaalada laga geli karo Mujaahid Khadar oo ka noogu da'da yar ahaa ayaa noogu aqoon badnaa waayo wuxuu ka shaqeysan jiray jaadka oo magaalada lagu geliyo kootarbaan ahaan. Markaa jaadluhu waxay si fiican u kala barteen tubaha ugu haboon ee dhuumasho magaalada lagaga geli karo, is bedbedalkoodana waxay ula socon jireen si joogto ah. Waana sababta ugu muhiimsan ee Mujaahid Khadar uga mid noqday kooxdii uu Muj. Gacmo Dheere gacantiisa ku soo xushay. Intii Xero Digaagta oo bari noogu toosan aanaan gaadhin ayaanu mudo hawd quman ah in aan badneyn u soconey ilaa aanu gaadhney wadada galbeedka ka marta State House-ka oonu kor ama waqooyi u raacnay.

 Qormadii 14aad:


Markii aanu magaalada soo galney waxaa noogu muhiimsanaa wuxuu ahaa in Muj. Gacmo Dheere aanu u helno meel aamin ah oo uu ka heli karo kaalmo. Markii aanu fakirney Guuleed Restaurant oo markaa uu maamule ka ahaa walaalkii Cali ayaanu damacney bal in halkaas xaaladiisa ku hubino. Aniga iyo Cisman iyo Khadar ayaa ka hor marney Muj. Gacmo Dheere, labadii mujaahid ee kalena meel dambe ayuunu kaga tagnay. Markaanu marayno meel ku beegan halka imika uu yahay Summer Time Restaurant ayaa dhinaca bari guri kaga soo jeeda nin ka soo baxay, guriga anigu cid ku jirtey maan garaneyne Muj. Cisman Awr Liqe ayaa iigu yidhi waa gurigii Ismaciil Yare (Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha) oo ah Joomitar ka shaqeeya Dawladda Hoose. Ninkii baanu joojiney ka dibna baadhney. Wax hub ah ma sidan hase ahaatee aqoonsigiisa oo aanu jeebkiisa ka helney ayaa noo cadeeyey in uu
yahay sarkaal xooga dalka ka tirsan. Hayb ahaan wuxuu sheegtey Gurgure qiyaastii markaa waxay xidid yihiin Ismail Aden annaguna intaa waanu garaneynaa. Wuxuu noo sheegey inuu naafo yahay oo
wakhtigaa anuu shaqadii ciidanka heynin. Wuxuu fahmey in aanu nahay SNM dabadeedna wuxuu noo sheegey in ay isku lot ahaayeen Maxamed Xasan saaxiibkiina uu yahay.

Mid naga mid ah ayaa dib ugu noqday Muj. Gacmo Dheere oo u soo waramey wax yar ka dibna Muj.Gacmo Dheere oo soo luudey ayaa bartii noogu yimi oo aanu u dhiibney aqoonsigiisii waxaanu ku eegey toosh. Wax yar intuu aamusey ayuu yidhi:”Ma baabuurkii berigii kula qalibmeybaa", markaas ayey ninkii werwersanaa intey neefi ka soo boodey uu yidh ma Maxamed Xasan baa; suaashiiba kama jawaabin ee halkii ayaa la isku caanaqey. Ninkaas wax war ah oo u dhinaa ma jirine isaga ayaanu ka helney macluumaadkii ugu dambeeyey dhinaca ciidanka cadowga waayo wuxuu la fadhiyey saraakiishii sarsare oo sheekadoodu aheyd difaaca magaalada iyo talaabooyinkii ay qaadeen oo dhan. Lakiin nasiib daro waxba uguma fila haddii ay soo dhaqaaqeen Col Waynihi, waayo wax is gaadhsiin ah maanu sidan, haddiise ay dib u sii dhacaan si aanu yeellaba wey noqon laheyd suurtogal in macluumaadkan cusub aanu gaadhsiin karno ciidanka.

Halkii baanu seddexdayadi kaga dhaqaaney seddexdii kale iyadoo weli ninkii warkii u wado. Laamida ayaanu mudh iyo xagii Guuleed Restaurant u qabaney. Wadada wax socdaa ma jiro.
Makaanu gaadhney albbabka weyn ee Guuleed Restaurant wadada dhanka kale geed ku yiil welina ku yaala waxaa hoos fadhiyey nin keligii ah oo hadana hadlaya oon mar qudha afka isku dareyn, dabadeed waxay noqotey bal in xaalkiisa aanu iska hubino wakhtiguna waa nagu cidhiidh oo inta aan lana arag waa in aanu u dhacno Guuleed Restaurant. Adigu ninkii hubiney waxaanu aragney in uu yahay nin maskaxda wax uga dhiman yihiin. Haddana laamigii ka soo talowney. Intaan qorigii Khadar u dhiibey ayaan Cismaan oo forara dusha iskaga taagey ayaan markiiba deyrkii xaga kale isagashubey. Nasiib daro waxaan la kulmey dhibaato aanan markii hore ku talo gelin. Shaw gidaarkan aan ka boodey waa mid cusub oo waxaa ka dambeeya gidaarkii deyrkii hore oo sidiisii u dhisan oo malaha masaafad laba mitir ah oo keliya u jira. Markaan labada dhinacba eegay wixii iigu horeeyey een xusuustey wuxuu noqdey qorigii oo gacantayda ka maqan. Dib baan deyrkii isugu soo qaadey aniga oo hoos u leh waar qoriga ii soo dhiib ilaa qorigii uu gacanteyda soo galeyna maan aamusin xaaladeyduna mey degin. Wax yar ka dib waxaa i soo gaadhey Muj. Cisman oo ka tuuraya, labadayadii oon dheg la qabto laheyn ayaa daf nidhi dhismaha xaga waqooyi ka soo jeeda ee madbakha ka soo horeeya. Intii ku jirtey ayaanu qoryihii ku qabaney oo ku amarney inay beerka u seexdaan gacmahana qadaadka saaraan, sidii baanay yeeleen.

Qormadii 15aad:


Qadar yar ka dib ayaanu helney Cali Xasan waxay is raaceen Muj.Cisman dabadeedna xaga dambe ayey ka soo galeen iyagoo wada Muj. Gacmo Dheere iyo labadii mujaahid ee kale Yussuf iyo Axmed Dhako. Guuleed Restaurant ayaanu kaga tagney Muj. Gacmo Dheere, Yusuf iyo Axmed Dhako. Waxaanu ka baxney tunnel-ka biyaha laagta soo gasha Guuleed Restaurant oo laamiga hoos mara. Laagta kor umaanu sii raacin ee markiiba waxaanu uga gudubney dhinaca bari. Wax socdaa ma jiro, wax ciidan ah roondo wareegaysana ku dhehoo ma jiraan. Xaga Taliska qeybta ayaa ilaa intii aanu Guuleed Restaurant ku jirney iyo horteedba waxaanu mar ka maqleynaa rasaas googoos ah oo u badan qoryaha ZU23 iyo Shilka ah. Rasaasta ifisada ah ayaanu arkeyney oo galbeed u dhacaysa. Wax rasaas ah oo dhinaca galbeedka ka soo dhacaysaana ma jirto. Mararka qaar waxaanu is weydiiney waar nimanku ma qoryo ayay shirabayaan. Marar kalena waxaanu is nidhaa waar maahee waa baaq oo waxay isu sheegayaan jihada cadowga ay ka filayaa. Ta dambe ayaaney runtii u dhaweyd oy noqotay. Habeenkii oo dhan waxay noo ahayd socod. Marka laga bilaabo laagta Guuleed Restaurant oo xaga sarena JigJiga-Yar galbeed ka marta ilaa iyo dhinaca bariga Baliga Daami habeenkaa seddexdayada ayaa u aheyn ciidan. Mar mar ayaa baabuur ciidan oo xawli aad u dheereynaya aanu guuxisa meel dheer ka maqleyney oo waddada keliya ee ay marayeenna waxay ahayd waddada ka soo leexta Saldhiga Dhexe ee xaga shacabka u kacda. Waddada togdheer xataa wax dhaq dhaqaaq ah mey laheyn. Jeelka dabadiisa markaanu dhaafneyna guux ma jiro ee waa intaa Shaacbka uun oo marmar aanu maqleyney koori gaadh kor u leh Joogso. Waxaa is joojinayaana waa isla iyaga uun ee cid kale oo socota iyo baabuur kale oo dhaqaaqaya midna ma jiro. Dadka aanu annagu la xidhiidhneyna ee guryahooda aanu ku garaaceyney cid aan aheyn waxaanu la kulaney dhawr qof oo u kala gudbaya xaafad dhexdeed. Iyaba waa qiso ee dadkii aanu la kulanay mid walba waanu joojiney, tooyaneyney oo wareysaneyney, hal qof oo Isaaq sheegtey muu jirin. Waxaa xusid mudan nin shaw Isaaq ah oo noo qaatey ciidankii dawladda ayaa wuxuu sheegtey reer abtigii waanu ku abtirsadey. Wuxuu sitaa bastoolad TETE ah, bastooladii ayuun baanu ka qaadney lakiin isagii waanu sii deyney. Dhawr cisho markii uu dagaalku socdey ayaa ninkii oo Isaaq ah oo weliba sarkaal SNM ah oo ciidan wataa uu gartey Muj. Cismaan Awr Liqe kuyee waryaa: “Keen bastooladii aad iga qaadeen habeenkii aad seddexda nin ahaydeen ee halkaa igu joojiseen ee bastooldii aan watey iga qaadeen". Waaba la isugu yimi iyadoo jiq la isku yahay ayaan aniguna taliskii daf soo idhi. Cismaan Awr Liqe ayuun baa yidhi waar Calow ninkan ma garaneysaa, maya ayaan idhi. "Ma garaneysaa habeenkii aynu magaalada soo galney nin aynu bastoolad ka qaadney" ayuu hada na Cisman i weydiiyey “Haa ninkii gadabuursi saw maaha? Waar ninkii wuxuu ku leeyahay maan aheyn Gadabuursi ee nin reer Sheekh Isaxaaqa ayaan ahaye i siiya bastooladaydii. Dacwad baa bey noqotey oo kolkaasaan idhi: "Waar orod naga tag anagu nin Isaaq ah waxba kamaanu qaadine" Magaalada wixii aan shacabka aheyn ileyn annagaa u sareyna oo wixii hanuunin ahaa ee Jigjiga yar ilaa Daami oo guulwadayaal joogaan aan qoryo sidani taagana iska dhigaya inay wax ilaalinayaan ayey balaayo qabsatey. Ka kadalooba ee laadku gadhka hoostiisa intuu ka qabsado sida giraanta kala wareegaya iyo ka shubka qorigu cuskanayo siday u dhamaayeen waxaanu ku soo rognay bendoo.

Shakhsiyaadka aanu qabano markii ayaanu weydiinaa maxaad ku garatey in kuwii magaalada lahaana ay seddexdii maanta xeroodaan adna aad saacadan dhex socoto? Hadda hoyo, hadii mar kale aanu kula kulano wixii kugu dhaca adaa isu geystay. Waxba yaan hadal idinku daaline waxaanu iska soo rogney Baliga Daami geerashka weyn ee Aw Cali ayaanu soo dul marney, Sheekh Madar ayaanu ka soo dhex baxney, geerash Aw Cali iyo fakinka aynu ka gudubney. Jamhuuriyadda ayaanu saqduudkii jeelka dul marayey qaadney halkaas ayaanu ka doonaney tii Goljani ee xisbiga hoostiisa, Xero Awr baanu ka gudubney ilaa aanu galbeed uga talowney jid cadaha Gannad. Anigu intii hore ee gabawdey mooyaane Hargeysada aan dhex socdaa mey aheyn Hargeysadii aan aqaaney, lakiin Cisman oo ku dambeeyey ayaa isagu geed geed u garanaya, xataa guryaha dadka aanu la kulmeynay annigu mid keliya maan garanay. Annagoo daal bestayo ah ayuu Cismaan guri nagu leexiyey. Waxaan kohdey in aan in yar indha is geliyo.

Sariir yar oo abu nafar ah intaan ku fadhiistey ayaa markaan kabtii ugu horeysey uun bixiyey tii kalena ii hadhsan tahay ayaa belaayadii macsuumka ahayd eenu daacadda u ahayn tidhi wey kan. Taliskii qaybta 26aad ayey ka bilaabantey anniguna maxaan indho caseysen kabtii aan iska bixiyey ayaan dib u gashaday. Kadinka ayaanu ka soo boodney. Sida sanadka marka sanadka cusub loo dabaal degayo ee firework-ku arliga iftiimiyo ayey qaybtii 26aad noqotey dharaar. Sidaa ayuu ku bilaabmey dagaalkii magaalada Hargeisa dhexdeedu abaara 02am 31kii May 1988kii.
Waagii u baryey Faqash ayaa noqday waa baas.

Alleh SWT ha u naxriisto ee Carmiye Odowaa oo BBC-du mar ka wareysatey waxa Hargeysa ka dhacay ayaan jawaabtii meel dheerba ka doonin. Wuxu yidhi: “WAXA DHACDAY BALAAYO LAGA RAALI YAHAY"

No comments:

Post a Comment

Popular Posts